Trump: Waxaan kordhinayaa dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay USA

Donald Trump oo khudbad ka jeediyay magaalada Davos, ayaa sheegay in la ballaarin doono dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay inay tagaan Marekanka , isagoo tallaabada ku sheegay inay ku qasbeyso waxa adduunka ka socda iyo xasilloonida Marekanka oo sii jirta.

Dalal reer Yurub ah, Afrika iyo Aasiya ayaa lagu warramay liiska cusub ee la sheegay in dhowaan la shaacin doono inay ka soo muuqaan doonaan.

Warbaahinta Marekanka waxay sheegtay in dalalkaas ay yihiin Belarus, Myanmar, Eritrea, Kyrgyzstan, Nigeria, Sudan iyo Tanzania , iyada oo waddamadan ay ka mid noqon karaan kuwo horey looga mamnuucay Marekanka oo Soomaaliya ay ku jirtay.