Wasiirka Waxbarashada Puntland oo magacaabis sameeyay (Akhriso)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa Agaasime KMG ah u magacaabay Waaxda imixtaanaadka Wasaarada Waxbarashada, kaddib markii uu Is-casilay Agaasimihii hore ee Waaxdaas Axmed Mohamud Warsame (Axmed Saahid).

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa Maxamuud Maxamed Siciid (Caynsane), loogu magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Waaxda imixtaanaadka Wasaarada Waxbarashada.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa amray dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland inay si dhow ula shaqeeyaan Agaasimaha KMG ah ee Waaxda imixtaanaadka.