Agaasime casub oo loo magacaabay xarunta Hay’adda Socdaalka ee Puntland (Akhriso)

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi,  ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Hay’adda ee Puntland Maxamed Cabdi Faarax,  isagoona u wareejiyay xarunta dhexe Hay’adda.

Sidoo kale, Wareegto kasoo xafiiska Agaasime Koofi ayaa loogu magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha laanteeda Puntland Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil.