Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay Degaanka Far-libaax

Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay iney dagaal kula Wareegeen deegaanka Far-libaax ee Gobalka Hiiraan,  kaddib weerar ay aroortii hore ee saaka ay ku qaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka oo degaanka Far-libaax ku sugnaa iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab,  waxaana wararku intaas ku darayaan in Ciidamadii Xoogga ee ku sugnaa deegaanka ay u soo baxeen dhanka Baladweyne.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo bixin Taliska Ciidamada Dowladda Iyo Al Shabaab oo ku aadan dagaalka Degaanka Far-libaax.

Deegaanka Far-libaax ayaa Qiyaastii 45-KM u jira Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan.