Daaru-salaam: Dowladda Tanzania iyo Barrick Gold oo kala saxiixday heshiis cusub

Dowladda Tanzania ayaa la saxiixatay Shirkadda Barrick Gold heshiis cusub oo macdan baaris ah, kaas oo shirkadan u sahlaya inay macdan ka baarto Dalkaas, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay Madaxtooyadda Tanzania.

Heshiiskan ayaa Dowladda Tanzania siinaya 16%, waxaana uu uga dhigan yahay Madaxweyne John Pombe Magufuli, inuu ku guuleystay mid ka mid ah saxiixyadiisa dib u habeynta dhaqaalaha.

Sidoo kale, Heshiiskan oo ay goobjoog ahaayeen Madaxweyne Magufuli iyo Maamulaha Shirkadda Barrick Gold, ayaa soo gaba-gabeynaya saddex sanno oo khilaaf ah, una dhexeeyay shirkadda iyo Dowladda Tanzania.

Madaxweynaha Dowladda Tanzania John Pombe Magufuli, oo ka hadlay saxiixa heshiiskan cusub, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, isagoonta intaas ku daray inaysan jiri doonin khiyaamo dambe “qaybta macdanta”.