Germany: Nin dilay 6 Ruux oo ay ku jiraan Labadiisa waalid

Nin ayaa waxa uu toogtay lix qof oo ka tirsan qoyskiisa oo ay ku jiraan labadiisa waalid. Toogashada ayaa waxay ka dhacaday magaalada Rot am See oo ku taalla koonfur-galbeed Jarmalka sidaasi waxaa sheegay booliska deegaankaasi.

26 jirkan ayaa adeegyada gargaarka deg-deg ah u yeeray xilliga qadaha isagoona u sheegay inuu maqaaxida ku dhex-toogtay dhowr qof. Ninkan oo ay haystay qori sharciyeysan ayaa la xiray.

Waxaana meeydadka oo ka koobnaa 3 rag ah iyo 3 dumar ah laga helay gudaha maqaaxida waxayna da’doodu u dhaxeeysay 36 ilaa 69 sano jir, sida ay sheegeen booliska gobolka Baden-Württemberg.

Waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay laba qof oo kale oo isla qoyska ka tirsan kuwaasi oo uu mid ka mid ah dhaawciisu halis yahay.

Ninka toogashada geystay ayay sidoo kale boolisku sheegeen inuu u hanjabay labo dhalin yaro ah oo ka tirsan qoyskiisa balse wiilashu haatan wey bad-qabaan. Waxaana la aaminsan yahay in toogashada ay la xiriirto khilaaf qoys.

Booliska ayaa haatan ku hawlan iney ogaadaan sababta dhabta ay ka dambeysa toogashada, mana cadda in qof-kale uu ku lug-lahaa toogashdaasi.

Toogahada ayaa waxay dhacday abaare 12:45 xilliga deegaankaasi, waxayna ka dhacday aagga Bahnhofstrasse gaar ahaan maqaaxida Deutscher Kaiser. Rot am See waa magaalo yar oo ay ku nool-yihiin 5,000 oo qof.

Isha: BBC