Jowhar: Booliska oo gacanta ku dhigay Aabe gowracay Wiilkiisii (VIDEO)

Ciidanka Booliska Dowlad Gobaleedka Hir-shabeelle ayaa gacanta ku dhigay Aabe Wiilkiisa  jimcihii ku gowracay Magaalada Jowhar, sida uu sheegay Taliyaha Booliska Jowhar Maxamed Siyaad Cali (Canjeex).

Ninkan oo lagu magacaabo Cismaan Ibraahim ayaa gelinkii dambe ee shalay, ku gowracay Xaafada Faanoole ee Magaalada Jowhar, wiilkiisii curadka ahaa oo la oran jirey Ibraahim Cismaan Ibraahim, dadiisuna aheyd 14 sanno jir.

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali (Canjeex) ayaa sheegay in markii uu dilka geystay Ninkan uu goobta ka baxsaday, islamarkaana howlgal ay sameyeen Ciidanka gacanta lagu soo dhigay.

Lama oga sababta keentay in aabaha dhalay wiilka dhalinyarada ah uu mindi ku dilo, waxaana falkan uu yahay mid ka mid ah falalka naxdinta leh ee soo mara magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.