La-taliyaha Ciidamada Boqortooyada UK oo tagay Hargeysa (Sawirro)

La-taliyaha Ciidamada Boqortooyada Ingariiska ( Chief of the General Staff ) General Sir Huan Davies ayaa soo gaaray magaalada Hargeisa ee Caasimadda Maamulka Somaliland.

General Sir Huan Davies, ayaa waxaa Hargeysa kusoo dhaweeyay
Wasiirka Difaaca Somaliland iyo Jananka Ciidamada Somaliland General Nuux Taani, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay safarkiisa Somaliland.

Laura Kuenssberg, oo BBC u ah tifatire siyaasadeed ayaa ku sheegtay Socdaalka Commander Sir Mark Carleron Smith mid lagaga hortagayo awoodda Shiinaha ee Geeska Africa.

Ciidamada Badda ee Ingariiska ayaa uu sheegay joornaalka Daily Mirror in ay dhisi-doonaan Ciidamada badda ee Somaliland, taas oo iyada ka dambaysay in ka yar bil ka dib markii Sacuudiga uu ku casuumay wadamo ku yaala Geeska Afrika oo aanay ku jirin Somaliland iyo Ethiopia.