Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Deni iyo Qalbi-dhagax ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdilaahi Deni ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ah muwaadin soomaaliyeed oo dalka Ethopia loo dhiibay mudo ka hor balse markii danbe kasoo baxay.

Madaxweyne Deni iyo Qalbi-dhagax ayaa intii kulankoodu socday iska xog-wareystay xaalada Guud dhulka Soomaalida, iyadoona Madaxweynuhu kaga tacsiyeeyay falkii ay kula kacday Dowladda Federaalka Soomaaliya sanadkii 2017-kii, xilligaas oo loo gacan galiyay Dowladda Itoobiya.

Sidoo kale, Qalbi-dhagax ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland qaabilaadiisa, isagoona sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay garab istaagii Dowladda Puntland iyo Shacabkeedu u muujiyeen.