Shiinaha: 1200 oo Ruux oo la il-daran Xanuunka dilaaga ah (VIDEO)

Tobonaan milyan oo qof ayaa awoodi waayay sanadkan in ay ka qeybgalaan dabaaldegga sanadka cusub ee Shiinaha, kaddib markii ay dowladdu hakisay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha labo magaalo oo ku yaalla Shiinaha, sababo la xiriira virus dilaa ah oo halkaasi ka dillaacay.

Guddiga Qaran ee Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegay in dhimashada caabuqan cusub ay hadda gaartay 41 qof, halka bukaannada uu soo ritay ay gaarayaan 1200 oo qof, iyadoo cudurku uu isaga tallaabay 29 gobol oo Shiinaha ah.

Dadka uu cudurkani asiibay ayaa waxaa ku jira 15 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, hal dhaqtar isagu waaba uu u dhintay.

Meelaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla magaalooyinka Beijing, Shanghai, Sanyaiyo iyo Hainan ayaa la xiray.

Magaalada Hong Kong ayaa mas’uuliyiintu waxay ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah iyaga oo joojiyay dabaaldegyada la qorsheeyey in lagu maamuuso sanadka cusub ee Lunar-ka islamarkaana xiray iskuullada.

Dhanka kalana, virus-kan ayaa si tartiib ah ugu faafaya dunida. Ilaa 5 kiis oo cudurkan ah ayaa laga soo weriyey dalka Thailand. Asutralia ayaa soo werisay ilaa afar kiis halka Faransiiska, Japan, Malaysia, iyo Taiwan ay soo weriyeen ilaa saddex kiis dalkiiba.

Xigasho: VOA