AMISOM oo bilaabaysa guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab ku sugan Jubbooyinka (Sawirro)

Taliyaha Guud ee ciidamada howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa jimcihii gaaray gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Gen. Tigabu Yilma ayaa markii uu tegay Jubbada Hoose booqday Saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ayaa halkaa kulamo kala duwan kula qaatay saraakiisha ciidamada ku sugn saldhigyada ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin degmada Dhoobley.

Kulamadaas ayaa waxaa la sheegay in intooda badan looga xaalada nabad galyo ee gobolada Jubbooyinka oo ay qeybo badan uga suganyihii ciidanka Kenya, sidoo kale waxaa la isla soo hadal qaaday sida aan wararka ku heleyno in laqaado guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya ayaa ku sugan degaano ka tirsan  maamulka Jubbaland, kuwaa oo inta badan weerarro kala kulmay dagaalamayaasha Al-shabaab, sidoo kale ciidankaan ayaa mararka qaar burburin u geysta xarumaha isgaarsiinta ee ku yaalla magaalooyinka ay uga suganyihiin dalka.