Turki: Madaxweyne Erdogan oo booqday goobaha dhul-gariirku ka dhacay

Madaxwaynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa booqanaya gobolkii uu Jimcihii ku dhuftay dhul-gariirka si uu ula kulmo dadkii ku waxyeeloobay.

Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhimatay kuwaasi oo intooda badan ku noolaa gobolka Elazig.

Dhul-gariirka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 1200 oo qof.

Shaqaalaha gurmadka ayaa waxaa burburka hoostiisa ka soo badbaadiyeen dad gaaraya 40 qof.