Wararkii ugu dambeeyay ee dhul-gariirka ku dhuftay Turkiga (VIDEO)

Tirada dadka ku dhintay dhul gariir xoog leh oo ku dhuftay bariga dalka Turkey ayaa gaartay 21 qof iyadoo kun qof oo kale ay ku dhaawacmeen sida ay saraakiisha gurmadku ku warramayaan.

Shaqaalaha gurmadka ayaa wada baaritaanka 30 qof oo lagu waayay burburka dhismayaasha dumay hoostooda ee gobolka Elazing iyo gobolka deriska la ah ee Malatya, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Turkey-ga Fahrettin Koca. Waxa uu ka digay in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto.

Shaqaalaha gurmadka iyo ciidamada ammaanka ayaa dadka u qeybiyay teendhooyin, sariiro iyo bustayaal iyadoo heerkulka habeenkii uu yahay mid aad u qabow dhulka ay dhibaatadu saameysay.

Masaajidada, iskuullada, garonnada lagu cayaaro iyo guryaha ay ardaydu ku nool yihiin ayaa loo furay boqolaal qof oo ah dadka ka soo cararay guryahooda ka dib markii dhul gariirku dhacay.

“Dhul gariirku waxa uu ahaa mid aad u culus, waxaanna si quus ah uga cararnay guryaheenna,” ayuu Emre Gocer oo ah dadka deegaanka dhul gariirku ka dhacay u sheegay wakaaladda wararka dowladda u faafisa ee Anadolu.

Dhul gariirku oo dhacay abaaro 9-kii fiidnimo ee xalay waqtiga Turkey ayaa kooxaha qiimeeya dhulgariirradu waxay ku qiyaaseen 6.5 ilaa 6.6 ee cabbirka magnitude ee lagu cabbiro dhul gariirada.

Xigasho: VOA