Al-Shabaab oo dil toogasho ah ku fuliyay Saddex ruux

Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa ay dil toogasho ah ku fuliyeen Saddex Ruux oo ay sheegeen inay la Shaqeynayeen dowladda Fedearalka ah ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah dalalka taageera Soomaaliya.

Goobta ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah Shacabka degmada Kamsuuma,waxaana toogashada lagu fuliyey Saddex Ruux oo kala ah.

1: Muuse Xuseen Siyaad oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta,kaas oo ay sheegeen inay kasoo qabteen wadada u dhaxeysa Walanweyn & degmada Afgooye.

2: Xuseen Max’med Cabdi Arsal oo ay Al-Shabaab ku sheegeen in uu katirsanaa Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland gaar ahaan kuwa Daraawiishta ee ka howlgala Baar Sanguuni.

3: Falliir Yaroow Cali oo 75 sana jir ah kaas oo Shabaab sheegeen in uu la Shaqeynayey Ciidamada Kenya oo kamid ah AMISOM gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka Hoosingoow ee Jubbada Hoose.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa horey waxaa ay dil toogasho ugu fuliyeen dad farabadan oo isugu jirey Rag iyo dumar,kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha taageera.