Arday Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Shiinaha oo cabsi soo wajahday (WAREYSI)

Dalka Shiinaha waxaa si xowli ah u sii fidaya fayriska halista ah ee ka dillaacay dalka Shiinaha oo imika dalkaasi ay ugu dhinteen in kabadan 50 qof, halka ilaa 2000 oo kalena uu ku dhacay.

Dowladda Shiinuhu ayaa maanta si kumeel gaar ah u mamnuucay kala iibsiga xayawaanka duurjoogga, si loo yareeyo faafista cudurka. Magaalada Wuhan ayaa wali ah halka ugu daran ee uu xanuunka sida ba’an u sameeyay.

Magaaladaas waxaa ku nool arday Soomaali ah oo intooda badan ka barta kulliyadaha caafimaadka ee Jaamacadaha magaalada. Dr. Yahya Abdullahi Ali oo ka mid ah Soomaalida ku nool Wuhan ayaa wararki ugu danbeyay ee xaaladda magaalada uga warramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.