Beledwayne: 10 Ruux oo geeryooday cudurka shuban biyood (VIDEO)

Inta la xaqiijiyay 10 ayaa u geeryootay illaa hada Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan iyo Degaanada ku dhow, sida uu sheegay mid kamid dhakhaatiirta Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Hirshabelle.

Sidoo kale, In kabadan 40 ruux oo uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka, una badan Carruur, ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne, kuwaas oo laga kala keenay xaafadaha Beledweyne iyo degaanada kale ee ku dhow dhow.

Sidoo kale, Dhakhaatiirta Gobalka Hiiraan ayaa sheegay inay diyaariyeen kooxo caafimaad oo ay u dirayaan degaanada ku dhow magaalada beledweyne cudurka shuban-biyoodka uu ka dilaacay.