Boosaaso: Meydka kalluumeyste u dhashay Iran oo la keenay Dekedda

A general view shows activity at Somali's northern port town of Bosasso, November 24, 2008. Somali pirates holding a Saudi supertanker after the largest hijacking in maritime history have reduced their ransom demand to $15 million, an Islamist leader and regional maritime group both said on Monday. REUTERS/Abdiqani Hassan (SOMALIA)

Meydka Kalluumeyste u dhashay dalka Iran ayaa la keenay Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaddib markii uu dilay kamid ah ilaalada Doonta kalluumeysi.

Wararka ayaa sheegaya in Kalluumeystaha geeryooday uu ahaa Mulkiilihii Doonta, uuna dilkiisu yimid kaddib markii uu muran soo dhex-galay asaga iyo ruuxa dilka geystay oo ahaa soomaali kamid ilaalada doonta.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo bartamihii sanadkii tagay ee 2019, xeebaha Puntland lagu dilay kalluumeyste u dhashay Dalka Kenya, kaas oo uu dilay waardiyihii doonta uu ka shaqeynayay oo ahaa Soomaali.

Doonyaha Kaluumaysi ee ka jilaabta Xeebaha Puntland ayaa intooda badan waxa ay ruqso ka haystaan Wasaarada Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland, waxaana sidoo kale ay kaxeystaan ilaalo u dhalatay Dalka.