Dagaal culus oo ka socda meel u dhaw caasimadda Yemen ee Sanca (VIDEO)

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta iyo ciidamada dowoladda Yemen ayaa ka socda degmada Nahm, oo 60 kiilo mitir u jirta caasimadda Sanca.

Waxaa jira warar sheegaya in khasaara badan uu jiro islamarkana ay sibataalada la daalaa dhacayaan tirada badan ee dhaawacyada.

Abaanduulaha militariga dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadiisa ay goobo cusub kala wareegeen Xuutiyiinta.

Jimcihii waxaa soo baxayay warar sheegayay in mucaaradka ay si buuxda ula waregeen degmada Nahm.

Sagaalkii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa waxaa dagaal adag uu dhex maray ciidamada dowladda Yemen oo taageero dhanka cirka ah ka helaya diyaaradaha isbahaysiga iyo Xuutiyiinta oo dhinac kale ah.

Dagaalka Yemen ayaa waxa uu socday in ka badan 4 sano waxaana ku lug leh dhinacyo kala duwan.

Xigasho: BBC Somali