Dhuusa-mareeb: Dib u dhac ku yimid howlihii doorasho ee Galmudug

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid hawlihii guddiga doorashada Galmudug, kadib markii ay isa soo diiwaangelin waayeen musharaxiintii u tartamaysay xilka madaxtinimo ee maamulkaasi.

Maanta oo lagu balansanaa in ay noqoto maalintii ugu dambaysay ee is-daawgelinta, isla markaasina ay bilaaban lahayd dhagaysiga khudbadaha musharaxiinta madaxweyne, ayaa ay baaqatay.

Sidoo kale, maalinta berri ah oo loo balansanaa dhagaysiga khudbadaha musharaxiinta madaxwene ku-xigeenka, Ayaan Iyana jiri doonin, sida ku cad jadwalka doorasho ee horay loo soo saaray ayaan wax shaqo ah ka socon maanta.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Ahlu-sunna horay u sheegtay in aysan ku qanacsanayn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada, islamarkaasina ay ku dhawaaqday jadwal iyo doorasho iskeed ay u qabsan doonto.

Dhanka kale, musharaxiinta u sharaxan xilka madaxtinimo ee Galmudug ayaa horay shuruudo adag ugu xiray guddiga doorashada, taas qayb ka ahayd waxyaabaha dib u dhac ku keenay hawlaha guddiga