Dibaxyada ka socda dalka Ciraaq oo sii xoogaystay

Waxaa weli ka soconaya qaar ka mid ah dalka Ciraaq dibadbaxyo rabshado wata kuwaas oo ay dhigayaan shacab caraysan.

Dibadbaxyadan ayaa la xiriira tuhun ay shacabku ka qabaan dawladu, in ay samaysay wax is daba marin iyo musuqmaasuq baaxad weyn, waxaana heerkii ugu sareeyay gaadhay shaqo la’aanta iyo faqriga isgarabsaday ee haysata shacabka iyo dhalinta dalkaasi.

Waxaa jira meelaha qaar ay isku gacan saareen shacabka dibad baxyada wada ee aadka u cadhaysan iyo ciidamada ammaanka dalkaasi Ciraaq, kuwaas oo isku dayaya sidii ay uga hortagi lahaayeen dibadbaxyada kusii fidaya dalka intiisa kale