Iran oo dishay ‘Yaxaaska Gacanka Beershiya’

Iiraan ayaa waxa ay dishay ganacsade weyn oo maandooriyaha ka shaqeysan jiray, kaas oo lagu naanayso ‘Yaxaaska Gacanka Beershiya’ sidoo kalena ay halkaas ku baabi’isay maandooriyihii uu tahriibinayay, warbaahinta dowladda ayaa sidaas ku warrantay.

Ninkan loogu magac daray ‘Yaxaaska’ ayaa waxaa la qabtay isagoo kuguda jira dhoofinta in ka badan 100 tan oo maandooriye ah oo uu marsiinayay biyaha caalamiga ah, saraakiisha ayaa sidaas u sheegay warbaahinta gudaha ee dalka Iran.

36-jirkan iyo caawiyahiisa ayaa la dilay kaddib sanado badan oo ay socdeen howlgallo sirdoon oo lagu baadi goobayo. Waxayna Iiraan sanadwalba khaarijisaa boqollaal maxbuus.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegaysa in dalkaas 2018-kii lagu dilay ugu yaraan 253 qof. Taas waxa ay ka dhigan tahay in dilku uu hoos u dhacay 50% markii la fiiriyo tirada la dilay sanadkii kaas ka horreeyay oo aheyd 507, waxaana sababta lagu sheegay in isbadelka lagu sameeyay shuruucda adag ee u deggan ka hortagga maandooriyaha.

Hasa yeeshee maandooriyaha heer caalami ayaa weli waxa uu sababi karaa in qofkii lagu qabtaa la dilo.

“Ninkan lagu naanayso ‘Yaxaaska’ waxa uu ku howlgalayay magacyo iyo qaabab kala duwan” ayuu dacwad oogaha gobolka Hormozgan, Cali Saalixi u sheegay wakaaladda wararka ee ISNA.

“Waxa uu hoggaamiyay mid ka mid ah shabakadaha ganacsiga maandooriyaha ee ugu halista badan ee ka jira Iiraan iyo gobolkaba. Xubnaha kale ee burcadda ayaa waxaa lagu xukumay xabsi gaaraya ilaa shan sanadood iyo ganaax culus, ayuu hadalkiisa sii raaciyey.