Itoobiya: Golaha Arrimaha Islaamka oo sharci ogolaansho ah la siiyey 60-sano kadib

Golaha sare ee Arimaha Islaamka dalka Itoobiya ayaa 60-sano kadib Golaha Wasiirada dalkaasi Ethiopia ka helay aqoonsi rasmi ah oo uu kaga shaqayn karo dalkaasi, taasoo noqotay guul usoo hoyatay bulshada islaamka ah ee ku dhaqan dalka Ethiopia.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed wuxuu sheegay in golaha Wasiiradu ay si aqlabiyad ah u meel mariyeen sharci mudo dheer qabyo ahaa kaasoo si rasmi ah u aqoonsanaya Golaha Sare ee Arimaha Islaamka oo ah golaha maamula arimaha Muslimka ee wadankaasi.

Go’aanka ay meelmariyeen Golaha Wasiirada Ethiopia ayaa ka jawaabay dalabkii ay bulshada muslimiinta Ethiopia usoo jeediyeen xukuumadda kaasoo ahaa in muslimiintu ay baahi u qabaan inay yeeshaan Gole si sharci ah dawladdu u aqoonsan tahay si loogu sameeyo machad diimeed soo abaabula arrrimaha islaamka isla markaana fuliya shuruucda bulshooyinka islaamka ah ee Ethiopia, isla markaana dammaanad qaadaya xuquuqdooda bulsho ahaaneed iyo inay xiriir toos ah la yeeshaan hay’adaha diimeed  iyo bulshooyinka kale ee dalka Ethiopia.