Mareykanka: Darawal xeelad yaab leh ku maray Wadadad Gaadiidka rakaabka wada

Nin darawal ah ayaa gudaha Mareykanka lagu qabtay isagoo isku dayaya in qalfoof been abuur ah uu ka dhigto qof rakaab ah si uu u isticmaalo waddada ay maraan baabuurta sida rakaabka, sida basaska oo kale.

Waaxda Badqabka Dadweynaha ee Arizona ayaa sheegtay in sarkaal ka mid ah shaqaalahooda uu gaari nin 62 sano jir ah uu watay ku amray in uu dhinac u baxo ka dib markii uu ogaaday in waxa baabuurka saaran uu yahay qolfoof laga soo dhigay sida qof rakaab ah, kaa oo xirnaa koofi isla markaana lagu xiray kursiga rakaabka loogu tala galay.

Darawalkaasi ayaa tikidh ganaax ah loo jaray, waxaana waaxdaasi ay wakaaladda wararka ee AP u sheegtay in sanad kastaa qiyaastii 7,000 oo darawal Arizona lagu qabto iyaga oo jebinaya sharciga waddooyinka khaaska u ah gawaarida sida dadka rakaabka ahi.

Farriin qoraal ah oo ay waaxdani soo dhigtay barteeda Twitter-ka, ayay darawaliinta kale uga digtay in ay isku dayaan khiyaanada noocaasi oo kale ah.

“Miyay kula tahay in waddadaasi aad ku mari kartid qolfoof rakaab laga soo dhigay? Dabcan waad khaldan tahay!” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Qoraalkaasi ayaa waxaa la socday sawir laga soo qaaday gaariga uu ninkaasi watay, oo muujinaya qalfoof been abuur ah xiran koofi indhaha u dabooshay.

Ninkan reer Arizona ma ahan kii ugu horreeyay ee soo adeegsaday xeelad xad dhaaf ah si uu uga badbaado shuruucda darawallada aan rakaabka wadin ka mamnuuceyso in ay maraan waddooyinka gaarka ah ee loogu tala galay gaadiidka sida dadka rakaabka ahi.

Bishii Abriil ee la soo dhaafay, nin ayaa lagu qabtay isagoo maraya waddadaasi, oo uu baabuurka u saaran yahay boombale loo soo xiray koofi iyo muraayadaha qorraxda laga xirto, sida ay sheegtay wadaaladda wararka ee AP.

BBC