Mareykanka oo diyaarado dagaal siiyay Kenya (Sawirro)

Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa inuu diyaarado dagaal ugu deeqay ciidamada dowladda Kenya, si ay ugula dagaalamaaan Al-Shabaab.

Diyaaradaan oo ah nooca MD-530F  ayaa gaaraya illaa lix, waxaana la sheegay in Kenya loo siiyey, si ay ugu adeegsato howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Stephen Townsen oo ah taliyaha ciidanka ee AFRICOM oo Kenya ku wareejiyey diyaaradahaan, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Nairobi ayaa sheegay inay arrintaan qeyb ka tahay iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya dowladaha Mareykanka iyo Kenya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan taageerada Militeri ee ay siiyaan ciidanka Kenya, isla markaana ay mar kale ugu deeqi doonaan diyaarado kale.

Saraakiil sare sare oo ka tirsan Militeriga Kenya oo madasha ku sugnaa ayaa ka mahad celiyey diyaaradaha loogu deeqay, waxayna sheegeen inay laba jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan Kenya iyo Soomaaliya.

Mareykanka ayaa qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna duqeymo ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.