Maxay tahay sababta Dowladda Soomaaliya u hakisay bixinta Baasaboorka ?

Dowladda Federaalka ah ee Soomalaiya gaar ahaan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxaa ay ku dhawaqdey in si KMG ah loo hakiyey bixinta Baasaboorka Soomaaliya.
Qoraal kooban oo kasoo baxey Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in bixinta baasaboorka la hakiyey laga bilaabo 27 Bisnaa ilaa 2 Bisha soo socota ee Febaraayo.

Sababaha keenay in la hakiyo bixinta Baasaboorka Soomaaliya ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxaa ay ku sheegtay sababo la xiriira Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ku socota.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan horey u hakisay bixinta Baasaboorka Soomaaliya, waxaana talaabadaas ay saameyn balaaran ku reebtaa dadka Soomaaliyeed ee safarada deg dega ah ee la xiriira Caafimaadka iyo Waxbarashada u aadaya Dibedda.