Maxay tahay sababta uu Wasaaradda Waxbarashada PL uu uga tagay Axmed Saahid ?

Agaasimihii hore Waaxda Imtixaamadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlda Puntland Axmed Mohamud Warsame (Axmed Saahid), ayaa dhowaan ka tagay shaqada Wasaaradda, waxaana booskiisii loo magacaabay agaasime cusub.

Hadaba Maxay tahay sababta uu Wasaaradda uga tagay Axmed Saahid ?

Shabakadda Idil News, ayaa ogaatay in Mr. Axmed Mohamud Warsame (Axmed Saahid), uu ugu tagay shaqada Wasaaradda Waxbarashada Puntland, kaddib markii uu u yeeray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Goodax Barre, kaas oo u balan-qaaday inuu u magacaabi doono La-taliyaha Wasaaradda.

Axmed Saahid oo muddo ku dhow 10 sanno ahaa Agaasimaha Waaxda Imtixaamadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlda Puntland, waxaana is-casilaadiisa uu u gudbiyay (23kii Jannaayo 2020), Wasiirka Waxbarashada oo aqbalay, sidoo kale magacaabay bedelkiisa.

Wasiir C/llaahi Maxamed Xasan ayaa bedelka Mr. Saahid si KMG ah ugu magacaabay Mohamud Mohamed Siciid( Caynsane), kaas oo ahaa ku-xigeenka Waaxda Imtixaamadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Saraakiil kamid ah Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa inoo sheegay Mohamud Mohamed Siciid( Caynsane), Agaasimaha Imtixaamadka ee Wasaaradda Waxbarashada uu ahaa ruux si weyn u hayay shaqada, sidoo kalena aad ugu xeel dheer shaqadan, Dadka la socda Wasaaradda ayaana ku tilmaamay inuu yahay Ruuxii ku haboonaa.