NISA oo amar adag dul-dhigtay Shacabka ku nool Guriceel.

Taliska Hay’adda Nabadsugida degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu soo saarey amar ku socda dadka siyaabaha kala duwan u iibsanaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Amarkaan oo uu soo saarey taliyaha NISA ee Guriceel Maxamed Gaanyaco ayaa lagu sheegay in dhamaan dadka kala iibsanaya Gaadiidka ay kusoo wargeliyaan laamaha Amniga gaar ahaan NISA si looga hortago fulinta falal amniga lidi Ku ah oo gaadiidka loo adeegsado.

Sidoo kale, Amarkaan ayaa saameynaya qofka Gaadiidka iibsanaya iyo kan laga iibinaya intaba, waxaana la sheegay in cidii amarkaan u hoggaansami weysa tallaabo Sharci ah laga qaadi doono.

“Dhamaan gaadiidka lakala iibsanayo guddaha guriceel ayaa la amrayaa in ay soo ogeysiiyaan laamaha Amniga gaar ahaan Taliska Nabadsugida si looga hortago fulinta falal amniga lidi ku ah oo gaadiidka loo adeegsado , iibsadaha iyo qofka laga iibinayo waa in ay warqada kala wareejinta ka qaataan Taliska NISA ee Guriceel ayaa lagu yiri”Warka Taliska NISA ee Guriceel.

Si kastaba degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolka Galgaduud,waxaana muddo badan gacanta ku haayey Ciidamada Ahlusunna balse lagu wareejiyey kuwa dowladda Soomaaliya.