Ra’iisulwasaare Kheyre oo Ciidamo fara-badan sagootiyey Amarna siiyey (VIDEO+Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada aka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidanka oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay in ay Al-Shabaab ka saaaraan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada.

Ciidamanka tababarka dhameystay ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ,isla markana dagaalka xoogan kula jira Xubno ka tirsan Ururka dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya dagaalka Al-Shabaab, ayaa sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidanka.

Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howlgalo ay Ciidamada Dowladda ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,iyaga oo la wareegay deegaao dhowr ah.