Sawirro: Munaasabad balaaran oo ka socota Degmada Qandala ee Gobalka Bari

Waxaa ka socda Degmada Qandala ee Gobalka Bari, munaasabad Hay’adda USAID ku wareejinayso mashaariic ay ka hirgslisay Magaladan Qadiimiga ah, oo ay ka mid yihiin Layrarka Cadcadeeda ku shaqeeya oo ay wadooyinka Qandala lagu xiray iyo dhismaha Guriga Faleenka.

Munaasabadan ayaa waxaa goobjoog ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), Guddoomiyaha Gobalka Bari, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari, Masuuliyiinta Hay’adda USAID iyo marti-sharaf kale.

Guddomiyaha Gobolka Bari Abdisamad Abwaan, oo khudbad ka jeedinayay furitaanka Mashruucan oo loo yaqaan TIS+) ayaa yiri “Degmeda Qandala waxay ahayd degmo ganacsi oo taariikhi ah aadna uhorumarsan. Waa nasiib darro inay maanta sidan udayacantahay. Waxaan filayaa haddii wafdiga waziirrada maanta inoo yimid ay arkeen in ay isbaddal u hor seedaan Qandala.TIS+ waaku mahadsantahay inay soo celisay rajadii degmada”