Wasiir Dhabancad: Puntland waxaa ka go’an soo celinta Nolasha Dadka Qandala (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, oo khudbad ka jeediyay munaasabad Hay’adda USAID ku wareejinayso Mashaariicda laydhka Cadceeda iyo Guriga Faleenka ee Degmada Qandala ee Gobalka Bari, ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay soo celinta Hormarkii dhinaca ganacsiga, adeegyada Bulshada iyo bilicda Degmada Qandala.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Qandala ay u baahan tahay inay u wada istaagaan Shacabkeeda, si loo soo celiyay taariikhdeedii muhiimka aheyd, isagoona intaas ku daray in dib ay Dowladdu u howlgalinayso goobaha loogu shaqeeyo bulshada, sida Isbitaalka iyo saldhiga Ciidanka Booliska.

“Waxaan idiin soo gudbinayaa salaan kasocota madaxwaynaha oo naga baaqday manta. Waxaa inoo qorsheysan mashaariic ku aaddan qandala waqti aan fogeyn. Hawlaha ina hor yaalla aan qaybsanno oo adeegyada magaladu ubaahantahay oo ay ka mid yihiin xarumihii lagu shaqayn lahaa. Kala dambayn waa in la helaa iyo sharci shaqeeya. Halku dhiggeennuna waa tayayn iyo tiigsi” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad,