Xildhibaan Fiqi “Xukuumadda waa ay ku fashilantay Maamul dhisida Galmudug”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa waxaa uu shaaciyey in Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ay ku fashilantay dhismaha Maamulka Galmudug.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Galmudug ay haatan wajaheyso xaalad adag iyo khilaaf xoogan taas oo sababi karto in Maamulo isdiidan laga dhiso Galmudug.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka yahey Ra’iisul Wasaare Kheyre waa ku fashilantey geedi-socodka dhismaha maamulka Galmudug, waxeyna Galmudug waajahaysaa xaalad adag iyo Khilaaf sii ballaaranaya oo sababi kara In maamullo is feeryaacaya oo dhowr ahi ay ka dhismaan ayuu yiri”Xildhibaan Fiqi.

Sidoo kale, Xildhibaan Fiqi oo qoraal soo dhigey Bartiisa Facebook ayaa waxa uu sheegay in howlaha doorasho ee ka socda Galmudug ay dadka deegaannada ka yihiin Marti,isaga oo shaki geliyey dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Ugu dambeyn Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu soo farageliyo xaalka Galmudug inta uusan ka tallaabin xuduuddii loogu talagaley.

Si kastaba dhismaha Galmudug ayaa waxaa xilligaan hareeyey khilaafyo isdaba socda,waxaana haatan khilaafka ugu xoogan uu u dhaxeeyaa Dowladda federaalka iyo hoggaanka Ahlusunna.