Agaasimihii Wasaaradda Batroolka XFS oo is-casilay (XOG)

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Koore Shukri Doomey, ayaa iska casilay xilkii, kaddib khilaaf muddo soo jiitamay oo u dhexeeyay Masuuliyiinta Wasaaradaas.

Ilo-wareedyo lagu Kalsoon yahay ayaa Shabakadda Idil News, u xaqiijiyay in Agaasime Koore uu is-casilaadiisa u gudbiyay Ra’iisulwasaare Kheyre, isagoona uu ka aqbalay Kheyre.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Batroolka Mr. Koore Shukri, ayaa bishii June ee sanadkii tagay ee 2019, waxaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka Mr. Hilaal, kaas oo ku eedeeyay inuu la shaqeyn waayay.

Koore Shukri Doomey, ayaa kamid ahaa saaxibada Madaxweyne Farmaajo, isagoona ay isku fiicnaayeen Ra’iisulwasaare Kheyre, oo ay wada heystaan dhalashada Dalka Norway.

Wasaaradda Batroolka Iyo Kheyraadka Dalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku mashquulsaneyd gelinta heshiisyo ku saabsan baarista shidaalka, ayaa haatan u muuqata inay lugaha la gashay qalaalase, la sheegay inuu dalka ku hayo dhaqaale.