Ahlu-sunna: Dowladda Farmaajo Galmudug Al-Shabaab bay u soo wadaa mana aqbalayno

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in ay dowladda Federaalka ah ee Sooaaliya ay si qaldan u wado dhismaha Maaulka Galudug,isla markaana eedaha ugu badan ay uga imaanayaan qaabka loo soo xuley Xildhibaannada.

Sheekh Shaakir oo la hadlayay BBC-da, ayaa in qaabka Xildhibaannada lagu soo xuley ay qeyb ka aheyd in Xildhibaannada laga ilaaliyo kuwa xiriir la leh Ahlu-sunna Wal-Jamaaca, taasina ay tahay in waxa kaliya ee Ahlu-sunna xiriirka kala dhaxeyn ay yihiin Al-Shabaab.

“Runtii waad aragtaa eeda weli ka jirta sida loo soo xuley Xildhibaannada, dowlada ayaana mas’uul ka ah waliba xildhibaannadaas xur a ahan dowladda anaga ayeyna naga ilaalineysaa mana ka aqbaleyno in la keeno qof xiriir la leh Al-Shabaab ayuu yiri” Sheekh Shaakir.

Ugu dambeyntii, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in khilaafkii soo kala dhex-galay Ahlu-sunna iyo Madaxweyne Xaaf ay mas’uul a aheyd dowladda Federaalka, oo uu xusay inay Maamulo ay wadato dhiseyso.

Doorashada Maamulka Galmudug ayaa waxaa xilligaan hareeyey khilaaf xoogan,waxaana hoggaanka Ahlusunna ay sheegeen inay dhisayaan Maamul Cusub halka isla Dhuusamareeb ay ka socdaan howlo lagu shisayo Galudug,sidoo kale Xaaf oo Gaalkacyo ka wado howlo doorashooyin ah.