Hot Topics

Al-Shabaab oo baahisay Muuqaalka mid kamid ah ragii isku qarxiyay Hotelka SYL (VIDEO)

Warbahinta Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay farriin uu reebay mid ka mida is-miidaamiyeyaashii ugu waaweynaa oo qarax culus ka geystay magaalada Muqdisho.

Farriinta ayaa laga duubay Shukri C/llaahi Diiriye oo loo yaqiin (Jaabir), kaas oo sanadkii 1972, ku dhashay degaanka Busaar ee Gobolka Gedo, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Mareexaan.

Ninkan odayga ee is-miidaamiyaha ah wuxuu ka trisanaa ciidamada jeyshka loo yaqaan ee Al-Shabaab iyo qeybta Dacwada, isagoo markii danbe ka mid noqday is-miidaamiyeyaasha Al-Shabaab, waxaana uu muuqaalkiisu kamid yahay Taxane ay Alshabaab bilowday inay baahiso oo ku saabsan farriimihii dardaaranka ee laga reebay raggii is-miidaamiyey ee Al-Shabaab.

HALKAAN KADAAWO MUQAALKA VEDIO

Weerarka uu isku qarxiyey ayaa ayuu la beegsaday Hotelka SYL 30-kii Ogost 2016, isagoo waday Gaari xamuul ah oo xoog ku jiiray barta Sayidka ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna geysay burburkii ugu weynaa ee uu geysto qarax Hoteelka lagu beegsaday oo saameyn ku yeeshay dhammaan dhismooyinka ku dhowaa. Waxaana qaraxa dhaawac iyo dhimasho kasoo gaartay dad ay ka mid yihiin masuuliyiin.

Farriintiisa ayuu ku sheegay inu Carruurtiisa kuwa qaangaarka ah uu Alshabaab ku biiriyay, halka kuwa aan weli qaangaarin uu kula duardaarmay inay tagaan xeryaha lagu tababaro maleeshiyada Al Shabaab. Dardaarankiisa ayuu uga hadlay waxa ku kalifay inuu is-qarxiyo, wuxuuna gaaleysiinayaa dowladda Soomaaliya iyo dadka ka tirsan.