Ciraaq: Gantaalo lagu garaacay safaaradda Mareykanka ee Baqdaad

Ugu yaraan sadax gantaal ayaa lagu weeraray safaaradda dalka Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Mid kamid ah sawaariiqda lagu ganay safaarada ayaa lasheegay in uu ku dhacay maqaaxi ku taalay gudaha safaaradda halka labada kalana ay ku dhaceen meel aan sidaas kaga fogeen, sida ay warisay AFP.

Ilo amaanka ah oo lahadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in ugu yaraan sadax ruux oo kamid ah shaqaalaha safaarada ay ku dhaacmeen weerarka, waxaana uu noqonayaa weerarkii ugu horeeyay oo ay shaqaalo Mareykan ah ay ku dhaawacmaan mudo sanooyin ah. 

Illaa iyo hadda majirto cid sheegatay masuuliyada weerarka balse dowladda Mareykanka ayaa ku eedeesay kooxaha taabacsan dowladda Iran.