Ciyaariyahan caan ah oo kamid noqday dhawr ruux oo ku dhimatay shil diyaaradeed (VIDEO)

Ciyaariyahan u dhashay dalka Mareykanka caana ku ahaa kubada koloyga ayaa laxaqiijiyay in isaga iyo dhawr ruux oo kale ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalo hoostagta gobolka California ee dalka Mareykanka.

Ciyaariyahankan oo 41 sano jir ahaa ayaa lagu magacaabaa Kobe Baraayanti, waxaana isaga iyo sagaal ruux oo kale ay mid noqdeen dadka dhintay waxaana sidoo kale dadka ladhintay kamid ahaa gabadhiisa.

Baraayanti, ayaa loo tix galiyaa in uu kamid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsanaa taariikhda ee soo mara kubada koloyga ee dalkaasi.

Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka soconaya baroor diiiq loo sameenayo ciyaariyahanka oo katirsanaa kooxda Los Angeles Likers.