Farmaajo, Isaias Afwerki & Abiy oo ku heshiiyay dhismaha Urur cusub (VIDEO)

Hogaamiyayaasha Itoobiya,Eretereya iyo Somaliya waxay isla qaateen dhismaha Urur Goboleed cusub oo loogu yeeri doono “Iskaashiga Geeska Africa”.

Madaxdu waxay soo jeediyeen inta aysan uguda galin dhismaha Ururkaas in ay talo waydiiyaan Madaxda kale ee Bariga Africa.

Dadka la socda siyaasada Geeska Africa waxay sheegayaan in heshiisyadii horay ay ukala saxiixdeen Madaxdan aysan waxba ka socon.

Si gaar ah Abiye iyo Farmaajo heshiisyadoodii weli way dhaqan gali la’yihiin waxaana soo baxayay bilihii udanbeeyay madmadow kala dhex galay labada Nin.

Ilo xog ogaal ah,ayaa sheegaya in Abiye oo ah Nin aan la saadaalin karin uu gadaal ugurtay dhankiisana ay ka socon waayeen wax badan.

Si kastooy ahaataba waxaa muuqata in Farmaajo la isticmaalay xili loo baahnaa lagana dhigtay Buundo looga gudbay arimo xasaasi ahaa oo Asiyas iyo Abiye dan ugu jirtay.