Gaalkacyo: Haweeney ka cayaaraysay xaflad Aroos oo geeryootay (VIDEO)

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas ay ku geeriyootay Gabar ka ciyaareysay Xaflad Aroos oo socotay.

Gabadha ayaa waxaa la sheegay inay ku sugneyd goobta lagu ciyaarayay oo ay ka socotay Xaflada Arooska aheyd, hayeeshee mar qura ay goobta ku dhacday, waxaana si deg deg ah loogula cararay xarun Caafimaad oo halkaas ku taalla.

Sidoo kale Gabadha ayaa geeriyootay markii la geeyay Isbitaalka, iyadoona la xusay inay uur laheyd, sidoo kalena uu naqaska ku xirmay, maadaama goobta Xaflada Arooska ay ka socotay ay aheyd meel aad u kuleyl badan.

Dadkii kasoo qeyb galay Arooska ayaa gabi ahaan waxa ay noqdeen kuwa aad uga naxay geerida gabadha oo kamid ah dadkii kasoo qeyb galay xaflada, waxaana durbo halkaas lagu joojiyay xafladii socotay.

Inta badan Goobaha lagu qabanayo Xafladaha Arooska ayaa ah meel aad u kulul oo ay soo buux dhaafiyaan dadka lagu casuumo xaflada, iyagoona goobta kusoo bandhiga ciyaaro kala duwan oo loogu talagalay Arooska.