Madaxweyne Farmaajo oo u amba-baxay Dalka Ereteriy

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ay goordhow u ambabaxeen magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada muqdisho waxaa kusii sagootiyey Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda,isaga oo ay wehlinayaan Wasiiro iyo Madax kale oo ka tirsan Dowladda.

Ujeedka safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in Magaalada Asmara ay Shir Saddex geesood ah ku yeelan doonaan madaxweynayaasha,Soomaaliya, Ereteriya iyo Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xalada gobolka,xiriirka ka dhaxeeya Saddexda dowladood iyo dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shalay bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in wada-hadallo ay Asmara uu kula yeelan doono,Madaxweynayaasha Soomaaliya,Ereteriya.
Madaxtooyada Soomaaliya weli wax war ah dhankeeda kaam soo saarin safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Maanta ugu ambabaxay dalka Ereteriya.