Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo magacaabis sameeyay (Akhriso)

Ku-simaha Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa u magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Cayn.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Cayn lagu magacaabay G/Dhex Jaamac Saxardiid Barre, waxaana Dikreetada lagu sheegay in kadib markii la arkay Aqoonta iyo Waaya-aragnimadiisa Shaqo xilkaasi loo dhiibay.

Sidoo kale, Dikreetada ayaa lagu sheegay in ku simaha Madaxweynaha ay xildhibaanno u soo jeediyeen, in uu xilksaasi G/Dhex Jaamac Saxardiid Barre.