Maxaa looga hadlayaa shirka Hoggaamiyaasha Dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ee ASMARA ?

Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Ereteriya ayaa la filayaa in Shir saddex geesood ah ay ku yeeshaan,Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya  Isaias Afwerki.

Kulankan ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya wadahadalladan ayaa la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed ee la hiigsanayo.