Ray’iisul Wasaare ku xigeenka XF Soomaaliya oo shir uga qeyb-galaya Jabuuti.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa waxaa ay gaareen dalka jabuuti,halkaas oo la filayo inay Shir uga qyeb galaan.

Wafdiga waxa  qeyb ka ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre  ay dalkaasi uga qeyb-galayaan Shirweynaha Waxbarashada Afrika,kaas oo ka furmaya dalkaas.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb geli Doona Madax badan oo ka socoto wadamada Afrika waxaana wafdiga Ray”sul wasaare kuxigeenka iyo xubnaha la socodo ay bilabeen kulamo ay la yeelanayaan madax ka tirsan Dowladda.

Shir weynaha Waxbarshada Afrika ee ka furmaya Jabuuti ayaa inta uu socdo waxa lagu soo bandhigi donaa Heerka waxbarasho ee Dalalka Afrika sidii lagu Hormarin lahaa.