Wararkii ugu dambeeyay ee Galmudug & Diiwaan-gelinta musharixiinta oo maanta ku eg

Waxaa maanta ku eg diiwaangalinta Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen Galmudug, sida uu sheegay Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga ayaa muddo 24 saac ah shalay ku kordhiyay isdiiwaan gelinta Musharixiinta doorashada taasi oo ku eg maanta si musharaxiinta daneynaya in ay u tartamaan doorashada Galmudug ay fursad ugu helaan in ay is diiwaan galiyaan.

Afar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug ee lagu tiriyo inay yihiin mucaaradka ayaa diidey inay is diiwaan geliyaan kana qeyb galaan doorashada Galmudug ee ka socota Magaalada dhuusamareeb, hayeeshee waxaa is diiwaan geliyey laba musharax oo lagu tirinayo dhinaca dowladda.

Sidoo kale, Maamulka Ahlu-sunna ayaa isaga baxay Howlaha doorasho ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay Dowladda ku eedeeyeen inay Maamul salka ku haya Al-Shabaab ay doonayso inay ka dhisto Galmudug, iyagoona intaas ku daray inay dhisayaan Maamul cusub.

Dhinaca Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa  soo dhoweeyay hanaanka uu ku socdo dhismaha Galmudug, iyaga oo uga mahad celiyay dowladda dadaalada ay ku bixineyso dhismaha Maamulka Galmudug.