AFRICOM oo war kasoo saartay in duqeyn ka dhacday J/Hoose

War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn diyaaradaha Mareykanka shalay ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe ee Degaanada Jubbaland.

Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla agagaarka degmada Jilib ee gobolkaasi.

Sidoo kale AFRICOM ayaa xaqiijisay in weerarkan dhanka cirka ah lagu khaarijiyey xubin ka tirsan Al-Shabaab, walow aysan shaacin magaciisa iyo waxa uu qaabilsanaa.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay qeyb ka ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn AFRICOM ayaa meesha ka saartay in weerkaan uu khasaare ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilaabay iney ka firxadaan duqeynta Mareynkanka oo kaashanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda,kuwaas oo lagu beegsanayo xarumaha argagixisada kaga dhuumaaleysanayaan dalka.