Ahlu-sunna oo Gudoomiye Baarlamaan ku dooratay Dhuusomareeb (Sawirro)

Kooxda Ahlu-sunna ee fadhigeedu yahay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Maamulka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqday Xildhibaano cusub ay sheegeen in ay yihiin Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Xildhibaanadan Ahlu Sunna ku dhawaaqeen wali magacyadooda la shaacin ayaa tiradooda lagu sheegay 69-Xildhibaan kuwaa oo lagu daray 20-kii Xildhibaan ee horey looga siiyay Baarlamaanka saxda ah ee Galmudug.

Kulan isla maanta Xildhibaanada Ahlu-sunna ku yeesheen Xerada INJI ee Dhuusomareeb ayaa lagu doortay Gudoomiye Baarlamaanka oo yeelanayaan Xildhibaanada Ahlu Sunna, waxaana gudoomiyahan la doortay lagu magacaabaa Abdiqani Salaaad Ibrahim .

Ahlu-sunna ayaa sidoo kale qaban qaabineysa doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa , waxaana garabkan Ahlu Sunna doorashada isku diiwaan galiyay dhoor musharax .