Akhriso: 8 qodob oo ay ku fashilmatay Dowladda MD Farmaajo

Waxaa sanadkii saddexaad u buuxsami rabaa Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo,iyadoona 375 maalmood ay uga hartay xukunka Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu talada hayay, waxaa Dadka falanqeeya Siyaasaddu ay aaminsan yihiin inuu ku fashilmay saddexdii qodob ee ugu waa weynaa wixii loo doortay, sida, Dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Dalka, Saameynta Ciidamo Qaran oo awood u leh inay la wareegaan ammaanka Dalka, iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Hadaba, halkaan hoose ka akhriso 8 Qodob oo kamid ah arrimihii looga fadhiyay Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo ay ku fashlmatay;

  1. Dhameystirka Dastuurka qabyada ah
  2. Amniga way ku fashilmatay
  3. la dagaalanka Al Shabaab
  4. Maxkamad Dastuurka
  5. Siyaasaddii Arrimaha Dibadda
  6. Shaqo Abuurkii Dhalinyaradda
  7. Xiriirka Dowlad Goboleedyada & Horumarinta Federalka
  8. Dhismihii Ciidan Qaran oo isku dhaf ah