Beesha caalamka oo war kasoo saartay doorashada Dhuusamareeb

Beesha caalamka,ayaa ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadda Galmudug in ay diiradda saaraan baahida loo qabo in ay ka wada qeyb-galaan hanaan heli kara taageero ballaaran, islamarkaana ka fogaadaan halista xasillooni darro iyo dagaal.

“Kani waxa uu baahan yahay ka wada qeyb-gal lagu helo wada-hadal, iyo tanaasul ay sameeyaan dhammaan dhinacyada,” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Beesha Caalamka waxay garowsan yihiin in dadaallo muhiim ah oo arrintan ku saabsan la sameeyey toddobadii bil ee tagay. Tani waxay sahashay in heshiisyo laga gaaro qeybsashada kuraasta, waxaana bogaadineynaa tanaasulka ay dhammaan dhinacyada u sameeyaan danta Galmudug.”

Beesha Caalamka,ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Galmudug in ay ka howl-galaan in ay khilaafyadooda ku xaliyaan wada-hadal, islamarkaana ay qaataan waqtiga dheeriga ah ee lagama maarmaanka ah, si ay sidaas u sameeyaan.

“Waxaan ugu baaqeynaa guddoonka baarlamanka Galmudug, musharaxiinta madaxweynaha, Ahlu-Sunna Waljamaaca, saamileyda ku shirsan Gaalkacyo iyo wakiilada dowladda federaalka inay qaataan nidaam cad oo loo dhan yahay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

“Beesha caalamka waxay ku baaqaayaan in tallaabooyinka ka harsan hanaanka doorashada loo qaado si la mid ah tanaasulladii horey loo sameeyey ee dhaliyey horumarka ilaa hadda la gaaray, si Galmudug ay ugu guuleysto hadafyadeeda dhameystiran ee danta u ah shacabka Galmudug.”