Burco: Laba caruur ah oo ku dhintay dab ka kacay Guri (VIDEO)

Laba caruura ayaa u geeriyooday dab ka kacay guri ku yaalla xaafadda Balaasa ee magaaladda Burco ee gobolka Togdheer, sida uu sheegay Taliye ku-xigeenka ciidanka dab-damiska magaalada Burco Jimcaalle Maxamed Cabdi.

Ciidanka dabdamiska magaalada Burco ayaa badbaadiyey ilmo yar oo guriga gubanayey laga soo saaray, halka guryihii u dhowaa laga badbaadiyey inuu dabku gaadho, maadaama oo goobtu ahayd guryo ka samaysan jiingado iyo Buulal, kuwaas oo si fudud iskugu gudbinayey dabka.