Puntland oo 5 Biyo-xireen ka dhistay Degmada Burtinle (VIDEO)

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dawladda Puntland Mudane. Ismaaciil Diiriye Gamadiid, ayaa xariga ka jaray Shan biyo-xireen oo laga hirgaliyay deegaano ka tirsan Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Biyo-xireenada ayaa qeyb ka ah Mashruuca Xoojinta Bulshada ee u diyaar-garowga & u adkaysiga abaaraha.

Xariga ka jarka Wasiir Gamadiid, ee Mashuuracan 5 Biyo xireen oo ay sidoo kale dhinac socdeen dayactirka 25 Barkadood iyo aag dhul-beereed ah, ayaa waxaa ku wehelinayeen Gudoomiyaha Guddiga dhowrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Puntland Xil. Fu’aad Abshir Axmed iyo kuxigeenkiisa Xildhibaan Xuseen Axmed Nuur.