Somaliland oo kasoo horjeesatay qorsho ay wado DFS

Somaliland ayaa gebi ahaan waxa ay aksoo horjeesatay in deegaanadeeda laga fuliyo mashruuca horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu Shalay Ra’iisul Wasaare kheyre ka daahfuray magaalada Muqdisho.

Mashruucaas oo ay ku kaceyso lacag ddhan 1.6Mliyan oo Dollar,waxaana Dhalinyarada ka faa’iideysaneysa lagu daray kuwa ku nool Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama ee Soomaaliland.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliland Xasan Gaafaadhi oo Warbaahinta kula hadlay hargeysa ayaa sheega in marnaba aysan macquul noqoneyn in Gudaha Soomaaliland laga fuliyo mashruuc la soo mariyay dawladda Soomaaliya.

Soomaaliland oo aaminsa inay ka Go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa dhowr mar waxaa ay kasoo horjeesatay mashruuyo kala duwan oo Dowladda Soomaaliya loo soo marsiiyey,kuwaas oo la doonayay in laga fuliyo deegeenadeeda.